sideen ku bartay inaan naftayda jeclaado

Sideed naftaada u jeclaan kartaa

hordhac:

Jeclaanshiyaha naftu waa mid ka mida waxa ugu wanaagsan ee qofku naftiisa u qaban karo marka la joogo horumarinta nafta. Waxay dawo ka tahay waxyaabo badan sida kalsooni darrada, doonista mar walba aad dadka ka sugayso in lagu jeclaado ama lagu amaano iyo qaar kaloo badan.

tusaale:

Aan soo qaadano qof dadka badankoodu jecel yihiin sida sheekh mustafe.
Sheekh mustafe wuxuu sameeyaa waxyaabo dadku ku jecel yihiin sida inuu wacdiyo dadka diintana usoo jiido, inuu caawiyo cidii garab waydiisata isagoon marnaba u galad sheganayn.
sheekh mustafe isagoo maalin diyaarad raacay ayaa ay diyaaradii ku dagtay meel dhawr kilometer ka sokeysa meeshii uu u socday, kadib danihiisa kumuu foofin oo gaadhi iskama raacin sida dad badan oo caan ahi samayn lahaayeen dadkii ayuu mid walba gaadhi u dalbay oo uu kala diray kadib ayuu isna hawshiisii fushaday.
tusaaluhu waa mala awaal kaliya fahanka dartii usoo qaatay.



 

ubucda:

Tusaalahan fariintuu bixinayaa waa: sabata aan u jecelnahay sheekh mustafe maaha inuu caan yahay ee waa inuu sameeyo wax aynu jecelnahay taas oo inoo kaxaynasa dhankaa iyo inaynu jeclaano.
Taas oo ku tusaysa hadii wanaagiisa aad kaga dayato inad naftaada jeclaanayso waayo, mxaa diidaya in waxaad sheekh mustafe ku jeclaatay hadaad samayso inaad naftaada jeclaan waydo?

(yaree waxyaabaha aad ku necebtahay naftaada , oo badi waxa aad jeceshay ee wanagsan).

qodobada soo koobida u ah mawduuca:

  • Waxa kaliya aad samaynayso waa calaamadso dhaqanka wanaagsan ee aad qofkan ku jeceshahay kadibna naftaada ku dabaq waa hubaal inaad is badali doontid.
  • Sababta aynu nafeheena u yasno ama u nacno ayaa ah inaynu samayno waxyaabo aynaan niyad ahaan jeclayn ama necebnahay waa sababta aynu u milicsanayno dadka ee dhaqankooda wanagsan oo kaliyi inoogu muuqdo kadibna aynu isugu arkano inaynu ka hoosayno.
  • Jooji is bar-bardhiga dadka waayo waa dilaaga kalsoonida.

gunaanad

Waxa kaliya ee aad samaynaso ayaa ah inaad yarayso dhaqamada liita eed necebtahay badisana dhaqamada wanaadsan ee jeceshahy.

Comments