xikmado

xikmado xul ah oo qurux badan 

halkan ka bogo xikmado ku anfacaya oo waliba nolosha daaran isla markaana qurux badan.



- Halka aad adigu ku cadiban tahay xaasid nimadaada, qofka aad xaasidaysaa wakhtigiisa ayuu iskaga raaxayanayaa.


- Wuxuu ku idhi i cafi waayo qaladku waa sifo bini aadam, waxay ku tiri ma awoodo waayo dambi dhaafku waa sifo ilaahnimo.

-Noloshu waa sida aynu inagu ka dhigano, sidaasay ahayd wayna ahaan doontaa.

-Nolosha qofna ha necbaan qofna ha sugin, waayo nolosha iyo wakhti kuma necba hadana kuma sugayaan.

-waxa aan jeclaan lahaa in qalinka aan noloshayda ku qoray ahaado qalin beensal(pencil), waayo waxaan jira jumlado aan jeclahay inan dib u masaxo.

-Ugu dambayntii waxa kuusoo hadhi doona uun kaliya qofka quruxda ka dhex arkay ruuxdaada, kuwa muuqaalka qiimeeyaa si isdaba jooga ayay kaaga tagi doonaan.

-Dadka intooda badan waxay kaa sugayaan khalad, laakiin ilaahay waa ka marwalba kaa suga toobad.

-Mar marka qaar filimada caruurta ayaa hadal qiimo leh laga dhaxlaa, halka muuqaalada waayelkana mar marka qaar aanad waxba ka dhaxlayn, qiimaha hadalka iyo dhaqanku da' ma aha ee waa garasho alle wayne bixiyo.

-Daganaanta hadii ay kaa tagaan iyo hadii kula joogaanba, waa heer ay adag tahay in dadka jilicsan gaadhaan.

-albaabka maanta iga xidhma marnaba ima niyad jabinayo, waayo waxan u socdaa in aan dhismaha dhan iibsado.


Comments

Post a Comment