sidee bulshaawi u noqon kartaa?
farsamo nololeed
- hadii aad doonaysid in aad dadka dhex gasho ama aad bulshaawi/yad noqoto waliba si fudud oo macquula, kaliya samee farsamodan soo socota:
- Ka hadal waxa hareerahaaga ka dhacaya.
tusaale:
- hadii aad class cusub is qortay qofka aad ag fadhiisato waydi: (maxaa la dhigayaa, maxaa maanta loo leeyahay, IWM).
- hadii aad wax iibsanayso oo kale qofka aad rabto inad barato waydii: ( ka waran shaadhkan/tigan saaxiib, ma ileeg yahay, IWM).
Dabcan 90% dadka ka mid ihi waxa kaliya ka jawaabaan waxa la waydiiyo taasina waa ta kuu sahlasa inad dadka hadalka kala soo baxdo.
- Magaca qofka waydii
Marka aad intaa dhamayso ee aad qofka wax xogaha yara wada hadshaan magaciisa iyo wixii kale ee la xidhiidha waydii.
tusaale:
-haa sax magacaa walaal/saaxiib, (........) anna maxamed barasho wanaagsan kadib halkaa kasii wad wixii kale ee aad u baahan tahay.

Comments
Post a Comment